Balcad(SONNA):-Ciidanka Qaranka ayaa saaka subaxdii hore fashiliyey weerar arbushaad ah oo kooxda Khawaarijtu isku dayeen in ay ku soo qaadaan degmada Balcad.
Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur( Furdug) oo la hadlay Wakaaladda Wararka (Benaadir News)ayaa xaqiijiyey in afaafka hore ee magaalada lagu dilay 11 xubnood oo ahaa Khawaarijtii isku dayga weerar soo qaaday saaka.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa (Benaadir News)u xaqiijiyey in ay jiraan dhismeyaal Shacab oo khasaare soo gaaray.