Muqdisho(SONNA):-Wasiirka wasaaradda Awqaafta Arrimaha Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta soo xiray Shirweynaha wadatashiga Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta JFS iyo Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedyada dalka,oo ka socday Muqdisho.
Shirkan oo mudda shan cisha ah ka Socday magaalada muqdisho ay looga hadlayay iskaashiga ladagaalanka fikirka khawaarijya,kaa oo inta uu socday looga dooday sidii dalka looga suulin laha fikirka xagjirka ah
Dood wadaag ku saabsan ka Hortaga iyo Daaweynta xagjirnimada Rabshadaha wadata.ayaa sidoo kale lagu soo bandhiga inta uu shirka socday,Waxaana Dooda kaqeyb qaadanaya Culimada Diinta,Odayaasha Dhaqanka,Haweenka iyo Dhalinyaradh.
Wasiiru dowlaha wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta XFS Abuukar Jeylaani oo gabagabada shirka ka hadlay ayaa yiri ‘’Culimada Soomaaliyeed agtooda ayay taallaa sidii ay xagjirnimada u baabi’ lahaayeen”
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta XFS Saalax shariif Siidkey ‘’Bil gudaheed in ay dhacaan kiisas badan oo isdilka qoyasaska ah waa weerar diinta iyo akhlaaqda lagu soo qaaday oo laga yaabo in ay khawaarijtu ka dambeyso
Shirka ayaa ugu dambeyn laga soo saaray warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban:-
1) in la joogteyo wadashaqeynta ka dhaxeyso wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Heer faderaal iyo mid maamul goboleed,si loo dar-dargaliyo howlaha wasaaradda Awqaafta iyo Arimha DFS iyo kuwa xunha ka ah dowaldda.
2)wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta heer faderaal iyo mid dowlad gobleedya waxa ay isla qateen in shirkadaha ku tartamayo adeegga xajka in warqadda ogolaansha ah ay kasoo qaatay wasaaradaha dowlad goboleedyada ay kasoo jedaan tartanka ka hor.
3) in wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Heer faderaal iyo kuwa dowlad goboleedyada ay si siman u wadagaan deeqaha waxbarashada iyo mashariicda hormarineed.
Qodobadaa iyo kuwa kale ayaa ku xusnaa warmurtiyedka shirka laga soo saaray maanta.