Istanbul (Benaadir News) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, kulankaas ayaa ka dhacay madaxtooyada dalka Turkiga ee magaalada Istanbul.
Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka labo geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyo arrimaha gobolka.
Intii uu socday kulanka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga waxaa sidoo kale looga wadahadlay xaalada murugsan ee ka taagan Gaza, maadaama labada dal ay ka mideysan yihiin qadiyadda Falastiin.
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa dhawaan soo saaray qoraallo adag oo ay ku cambaareynayaan ficillada Yahuuda ee ka socda dhulka Falastiin, kadib weerarkii Xamaas oo sababay in Yahuudu bixiso jawaab adag.
Turkiga ayaa aad u taageera Soomaaliya, waxayna labada Madaxweyne ka wadahadleen sidii loo sii kordhin lahaa taageerada ay hesho dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta argagixisada Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa hadda aad u raadineysa taageero dhanka duqeynta ah, si ay kaga adkaato kooxda Al-Shabaab, wuxuu Turkigu ugu horeeyaa dalalka ay Soomaaliya ka rajo qabto inay u buuxi karaan kaalintaas.
Maalmo ka hor, Benaadir News waxay idinla wadaagtay in dowladda Soomaaliya ay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ku rakibeyso qalabka laga hago duqeymaha ee diyaaradaha Turkiga, si ay kaga howlgalaan deegaanada bari ee Galmudug iyo galbeedka HirShabeelle oo weli Shabaab ku harsan yahay.
Maalmaha soo socda waxay dowladda Soomaaliya qorsheyneysaa inay dhacaan howlgallo culus oo duqeymo u badan, kuwaas oo ciidamada qaranka, saaxiibada caalamka iyo kuwa deegaanka ay ka fuli doonaan deegaanada ay Shabaab weli ka joogaan gobollada dhexe ee dalka.