Ciidanka xoogag dalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, ayaa gacanta ku dhigay wiil dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu katirsan yahay kooxda Al Shabaab una ahaa sahan.
Cismaan Maxamuud Barre 17 sano jir ah ayaa ciidanka dowladda gacanta ku dhigeen, waxa uuna wiilkan saraakiisha dowladda u sheegay in uu katirsan yahay Al Shabaab uuna u sahminayay waddooyin qaraxyo laga oo gelin karo Xarardheere.
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in wiilkan dhallinyarada ah ay qabteen ciidanka xoogga uu ahaa sahan ay soo dirsadeen kooxda Al Shabaab oo dooneysa in qaraxyo shacabka ku dhibaateeyaan.
”Ciidamada XDS ee ku sugan Xarardheere ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe Cismaan Maxamuud Barre 17 sano jir ah, oo sida uu sheegtay ka tirsanaa Khawaarijta, loona soo diray inuu sahmiyo wadooyinka qaraxyo lagu soo gelin karo magaalada Xarardheere.
Khawaarijta oo quus taagan ayaa bilaabay in ay adeegsadaan caruurta yaryar, balse ciidamada iyo dadka deegaanka Xarardheere oo isku xiran ayaa mar kasta fashiliya isku dayada argagixisadu ku doonayaan in ay ku dhibaaateeyeen bulshada” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Kooxda Al Shabaab ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay howlgallada ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ka wadaan gobolka Mudug, waxaana Al Shabaab kaga saaray deegaanno badan oo saldhig u ahaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com