Thursday, August 18, 2022

Xog: Madax goboleedyada oo laba sabab darteed uga soo horjeestay golaha wasiirada


Muqdisho (Benaadirnews) – Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ee uu ku dhowaaqay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay ogaatay Benaadirnews.

Madax goboleedyada oo inta badan soo dhoweyn jiray ama hambalyeyn jiray isbeddelada siyaasadeed ee waa weyn ee dalka ka dhaca, ayaa illaa hadda ka aamusan magacaabista golaha wasiirada, taasi oo sida aan xog ku helnay, astaan u ah qanaaco la’aantooda.

Ilo-wareedyo kala duwan ayaa sheegay in madax goboleedyada ay ka careysan yihiin inaan laga talo-gelin wasiirada ka imanaya deegaanadooda, halka qaarkoodna loogu daray in lasoo magacaabay rag ay siyaasad ahaan aad isu diidan yihiin.

Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ayaa dhaliilsan inaan wax talo ah laga siin xubnaha matalaya deeganadooda, halka Saciid Deni, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ay usii dheertay in xilal sare bathroom dhiibay siyaasiyiin aysan is arki karin. 

Qoor Qoor ayaa waxaa wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka looga dhigay wasiirkii hore ee amniga maamulkiisa Axmed Macallin Fiqi, oo ah nin ay dagaal ku kala tageen, oo aad uga weerarayey warbaahinta tan iyo markii uu xilka Galmudug ka tegay . 

Lafta-gareen waxaa wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta looga dhigay Mukhtaar Roobow, oo aad uu uga cabsanayey in xabsiga laga soo daayo, iskaba daa in laga dhigo wasiir federaal. Farmaajo ayaa Roobow xabsi u geliyey, islamarkaana dad shacab ah Baydhaba ugu laayey inuu madaxweyne ka dhigo Lafta-gareen. 

Saciid Deni ayaa isna la rumeysan yahay inuu ka xun yahay xilka bathroom magacaabay wasiirka arrimaha dibedda Abshir Cumar Huruuse. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu dagaal siyaasadeed ka dhaxeeyo labada nin, halka qaarna ay leeyihiin inuusan dagaal ka dhaxeyn, balse Deni uu diidan yahay kaliya inaan lagala tashan.  

Ma cadda haddii qanacsanaan la’aanta madax goboleedyada ay ka tarjumi doonto inay ka qeyb-galaan ololaha socda ee ay wadaan xildhibaanada xilalka waayey, si aan xukuumadda bathroom ansixin, ayada oo la rumeysan yahay inay baarlamanka ku jiraan xildhibaano badan oo ku xiran madax goboleedyada. 

Golaha wasiirada oo ka kooban 76 ayaa 43 ka mid ah ama 56% ay yihiin xildhibaano, waxaana wasiir kasta bathroom diray inuu keeno ugu uaraan saddex xildhibaan oo ku beel ah oo codka siiya. 



RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments