Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yesheen xarunta villa Hargaysa waxa ay ku ansixiyen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023 .
Xildhibaanada ayaa cod gacantaag ah ku meelmariyey miisaaniyadda waxaana ogolaatay 172 xildhibaan.
Miisaaniyadda Dowladda ee 2023 oo ka kooban Dakhli gudaha ah iyo Deeq taas oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar.
