Wafdi uu Hugaaminayo Taliyaha Ciidamada Xogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage,qeybna ay ka ahaayeen Senatar Afcadeey iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Somalaiya Gen Mohamed tahliil Biixi ayaa Booqday Deegaanka Booshareeri oo hoostagta degmada Aadan yabaal ee Gobolka Shabeelada Dhexe .
Masuuliyiintaan ayaa Goob fagaaro ah kula hadlay Shacabka ku nool Degaankaas oo dhawaan laga dulqaaday heeryada cadawga Argagixisada Al-shabaab oo muddo dadka halkaas ku nool dhib badan ku hayey.
Masuuliyiintaan ayaa dadkii ay la kulmeen ka dalbaday in ay u diyaar garoobaan dagaalka khawaarijta Al-Shabaab ee hataan u gudbay dhanka gobolka Galgaduud oo shalay qeybo kamid ah laga xoreeyey Al-shabaab.
