Wednesday, August 10, 2022
HomeNewsUrurka EAC oo Diryaariyay Qorshaha ay somalia xubin uga noqoneyso...

Ururka EAC oo Diryaariyay Qorshaha ay somalia xubin uga noqoneyso iyo sawiro cadeynaa sida loogu faraxsanyahay in ay somalia kamid noqoto

Arusha (Benaadirnews) – Ururka Bulshada Bariga Afrika, East African Community (EAC) ayaa dedejinaya hanaanka ay Soomaaliya uga mid noqoneyso ururkaas, sida lagu sheegay war-murtiyeed kasoo baxay dhammaadka shirkii uu ururkaas ku yeeshay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

War-murtiyeedka kasoo baxay shir madaxeedka ururka ayaa lagu xusay in laga gaabiyey eegista codsiga Soomaaliya, waxaana Golaha ururkaas lagu faray inay dedejiyaan tallaabooyinka ay tahay in Soomaaliya ay marto, kaddibna ay warbixin siiyaan shir madaxeedka 23-aad ee ururka.

 

Tani waxa uu macnaheedu yahay inay qaadan karto laba illaa saddex sano hanaanka lagu hubinayo inay Soomaaliya buuxisay shuruudihii ururka, kadibna waxay si buuxda ugu biiri kartaa ururka.

Guusha arrintan ku jirta ayaa ah; in kahor safarkii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Arusha uu kiiska Soomaaliya ahaa mid meel la iska dhigay oo aan la furin, balse hadda ay si rasmi ah Soomaaliya u billaabeyso hanaanka looga mid noqonayo ururka. 




Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb-gelay xiritaanka shir-madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tanzania, iyadoo Madaxda dalalkani ay maanta ka doodeen codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso kamid noqoshada dalladan. 

Madaxweynaha oo kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qeyb galay shirkan ayaa xoojiyey ololaha ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta ay ku leeyihiin Gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), fursadda ay u siiyeen in uu sii xoojiyo codsiga dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ku mid noqoshada dalladdan, waxa uuna ku ammaanay shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Tansaaniya soo dhaweynta iyo marti-gelinta wanaagsan ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa.

Hoos ka daawo sawirada xiritaanka shirka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments