Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa kormeer shaqo ku tagay Hoggaanka Baarista Dembiyada ee CID-da, halkaas oo loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dudaha iyo dibadda Dalka.
Taliyaha ayaa kormeeray dhammaan Qeybaha iyo Waaxaha ay ka koobantahay CICID-da, isaga oo cabashadooda dhageystay muwaadiinta Soomaaliyeed ee adeega sugayay, iyada oo laga duulayo cabashada dadweynaha ayuu Taliyuhu soo saaray amarrada soo socda.
1- Waxaa la mamnuucay qof udhaxeeya adeeg-bixiyaha iyo muwaadinka loo adeegayo.
2- Waxaa meesha laga saaray in muwaadiniintu ay adeeg sugaan waqti dheeraad ah oo laga maarmikaro. Isma markaana, adeega loogu qabto saacado gudahood.
3- Waxaa si faahfaansan loola wadaagidoona Bulshada habsami usocodka adeegan.
Ugu dambeyn, Waxaa uu Taliyuhu uga mahadceliyay muwaadiniinta cabashadooda la wadaagay, isaga oo u ballanqaaday in uu kormeer iyo korjoogteyn joogto ah ku samayn doono Xarumaha Booliska ee bixiya adeegyada dadweynaha.
The post Taliyaha Booliska oo Amaro Culus kasoo saaray Xaruumaha Adeegga dadweynaha ee dadka lagu dhibaateeyo appeared first on Radio Dalsan FM 91.5 MHz.