Sawirro: Ra’iisul Wasaare Rooble oo la ciiday shacabka


Muqdisho (Benaadir News) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble  ayaa boqollaal shacab iyo mas’uuliyiin ah kula tukaday masjidka Shuhada ee ku dhex yaallay madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka ugu baaqay in la caawiyo dadka masaakiinta ah, lagana wada shaqeeyo amniga dalka si bulshada Soomaaliyeed ay ugu wada ciidaan farxad iyo damaashaad.

Sidoo kale Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Koobaad ee Ciidul Fitriga, isaga oo u rajeeyay in sanadkaan sankiisa kale ay ku gaaraan Bashbash iyo Barwaaqo.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida amniga dalka.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WP Twitter Auto Publish Powered By : XYZScripts.com