Monday, August 15, 2022
HomeNewsQM oo lavatory gudbiyey qorsho hub lagu siinayo ciidamada DF

QM oo lavatory gudbiyey qorsho hub lagu siinayo ciidamada DF


Muqdisho (Caasimada Onine) – Golaha qaramada midoobay ayaa lavatory gudbiyey qorsho hub lagu siinayo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ATMIS kadib kulan dhex maray Guddiga Amniga iyo nabadda ee Midowga Africa iyo wakiilo ka socday Qaramada Midoobay.

Guddoomiyaha guddigaas Cabdi Maxamud Haybe  ayaa tilmaamay in lavatory baahan yahay in Soomaaliya si deg deg ah looga qaado Cuna-qabateynta dhanka hubka ama ugu yaraan laga yareeyo si ay u hesho fursad ay hub kusoo iibsato si lavatory ciribtiro kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

“Wadahadalladii aan la yeelanay wakiilada Qaramada Midoobay iyo dhinacyada kale ee taageera Ciidanka Midowga Afrika waxaan u sheegnay in ay taageero hub ay siiyaan Ciidamada Soomaaiya & kuwa Midowga Afrika si ay u fuliyaan howlgallo ka dhan ah Argagixisada go’doomisay meelo badan oo kamid ah dhulka Soomaaliya” ayuu yiri Haybe.

Guddoomiye Heybe ayaa tilmaamay inay adag tahay in Al-Shabaab laga adkaado lagana saaro Soomaaliya inta ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku dagaalamayaan hub lamid ah kuwa ay heystaan Al-Shabaab.

Cabdi Maxamed Haybe ayaa hadalkiisa sii raaciyey  “Soomaaliya waxaa saaran cuna-qabateyn hubka ah, si argagixisada looga saaro meelaha ay joogaan waxaa muhiim ah in la helo hub ka duwan kuwa ay heystaan, ugu yaraan waa in la fududeeyaa si ay u hesho hubka ay u baahan tahay, ninka aad la dagaalameysid haddii aad isku hub tihiin kama adkaaneysid oo waa ijiid aan ku jiidee balse sida kaliya ee looga adkaan karo waa in hub casri ah la helo”

Howlgalka ATMIS ayaa qorsheeyay in howlgalka qeybta labaad ee ciidanka Afrikaan ah ee laga baddelay magaca AMISOM in uu fuliyo si ciidamada Soomaalida loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga dalkooda balse ka hor waqtigaas la qaado guluf ka dhan ah Al-Shabaab.

Wakiilada ka socday qaramada midoobay ee kulankaas ka qeybgalay ayaa sheegay inay codsigana hor geynayaan golaha isla markaasna ay rajeenayaan in Qaramada Midoobay ay dib u qiimeyn ku sameyso xaaladda amni ee Soomaaliya si cuna-qabateynta hubka looga qaado.

Codsiga Guddiga Amniga iyo nabadda ee Midowga Africa ayaa kusoo aadayo xilli ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu ku dhawaaqay in xukuumadiisa ay qaadi doonto dagaal wajiyo badan leh oo dalka looga saarayo kooxda Al-Shabaab kadib kulan uu la yeeshay sarakiisha howlgalka ATMIS.

Ciidamada midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya ayaa muddo ka badan 15 sano ku guuleysan la’ inay ka adkaadaan kooxda Al-Shabaab oo u dagaalanto qaab jabhad ah, waxaana la ogeyn sida uu u guuleysan doono gulufka cusub ee la doonayo in kooxdaan lagu qaado.



RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments