Wednesday, August 10, 2022
HomeNewsMadaxweyne Xasan Sheekh oo wafdi Mareykan ah kula kulmay XALANE + Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wafdi Mareykan ah kula kulmay XALANE + Sawirro



Muqdisho (Benaadirnews) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta xalane oo ay ku dhex taallo safaaradda Mareykanka ku qaabilay wafdi culus oo ay hoggaamineyso madaxa hay’adda USAID, Samantha Energy.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre, halka madaxweynaha ay barbar fadhiyeen agaasime ku xigeenka madaxtooyada iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa la wadaagay Samantha Energy qorshayaasha hortabinta u leh dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa bogaadiyey taageerada iyo garab istaagga hay’adda USAID ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey sii wadista dardargelinta barnaamijyada maalgashiga, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Waxa kale oo madaxweynuhu sheegay in dowladdu ay xoogga saareyso barnaamijyada lagu horumarinayo maareynta biyaha, dhalinta tamarta, wax ka qabashada caqabadaha isbeddelka cimilada, sii wadidda dowlad dhiska Soomaaliya iyo daadejinta hannaanka Federaalka si ay dadka Soomaaliyeed u gaaraan isku filnaansho buuxda iyo horumar baahsan.

Marwo Samantha Energy oo dhankeeda kulanka ka hadashay ayaa sheegtay inay ka qayb-qaadan doonaan gurmad abaaraha, waxayna ballan-qaadday in hay’adda USAID ay bixin doonto lacag deeq ah oo gaaraysa $470 Malyan, taas oo ka dhigeysa lacagta ay Hay’addu u qoondeysay Soomaaliya $668 Malyan.

Deeqdaan ayaa loogu talagalay wax ka qabashada abaaraha iyo sidoo kale hormarinta adeegyada muhiimka ah.

Soomaaliya ayaa haatan xiriir wanaagsan la leh Mareykanka oo ka mid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka Al-Shababa, wuxuuna tababar siiyaa Ciidamada Kumaandooska Danab.



RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments