Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta hoyga uu muqdisho ka daganyahay waxa uu kula kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda fatahaadaha ka dhacay Degmada Afmadow iyo xanuunada ka dhalan kara, iyo derdergalinta Arrimaha gargaarka deegaanada Jubaland,
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidoo loogu diyaar garoowi lahaa loona weeyneen lahaa Shirka Madasha Arimaha Bani Aadanimo ee Dalka (CHF) oo markan lagu qaban doono Magaalada Kismaayo ee Maamul Gobaleedka Jubaland.
Dhawaan ayey aheyd markii webiga Jubba uu fatahaad xooggan ka sameeyay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana fatahaadaha halkaas ka dhacay ku dhintay dhowr qof, halka ay ku barakaceen boqolaal ruux.
The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo Dowladda kala hadlay xaaladda fatahaadaha Afmadow appeared first on Radio Dalsan.