Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuutin mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goordhow ka soo degay Garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada, Ra’iisul wasaaraha XFS, ku xigeenkiisa iyo Madax kale ayaa Garoonka ku soo dhaweeyay Wafdiga Madaxweyne Geelle iyadoo loo soo Galbiyay Magaalada.
Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Geelle ayaa lagu wadaa in maanta ay wadajir xarigga uga jaraan Xarunta dhexe ee Akaadamiyad goboleedka Afka Soomaaliga.
