Madaxweynaha Jabuuti iyo Wafdiga la socda ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Madaxxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo kuxigeenkiisa, qaar kamid ah madaxda dowlad Goboleedyada iyo Xubno ka tirsan labada Golle ee dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada.
Ujeedka Safarka Madaxweynaha Jabuuti u kuyimid Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in uu xarga kajiro doonaan, isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhismaha Xarunta Akeedemiyad Goboleedka Afka Somaaliga oo dhismaheeda ay iska kaashadeen Soomaaliya iyo Jabuuti. Ammaanka Magaalada muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyay,
Wafdi uu hoggaamimayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Maanta soo gaaray Caasimadda Soomaaliya ee magaalada muqdisho, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha Jabuuti iyo Wafdiga la socda ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Madaxxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo kuxigeenkiisa, qaar kamid ah madaxda dowlad Goboleedyada iyo Xubno ka tirsan labada Golle ee dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada.
Ujeedka Safarka Madaxweynaha Jabuuti u kuyimid Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in uu xarga kajiro doonaan, isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhismaha Xarunta Akeedemiyad Goboleedka Afka Somaaliga oo dhismaheeda ay iska kaashadeen Soomaaliya iyo Jabuuti. Ammaanka Magaalada muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyay.


