Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire Kate Foster.
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud Hirshabeelle gaar ahaan howlgallada deegaanada Hirshabeelle looga ciribtirayo kooxda khawaarijta ah ee alshabaab oo qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo dadka deegaanka oo is garabsanaya ay kasoo hoyeen guulo waaweyn.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimada ay leedahay in deegaanada laga xureeyay kooxda khawaarijta ah laga fuliyo barnaamijyada xasilinta si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda.
