Ergooyin ka kala socda Milliteriga Dowladda Suuadan iyo kuwa Gurmadka Degdega ee RSF ayaa waxay heshiis Xabbad-Joojin ah ku gaareen magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga.
Iyadoo uu isbuucii 6-aad galay Dagaalka Suudan ayaa waxa uu sababay Jahwareer, Amni-daro iyo inay in ka badan hal milyan oo qof ku barakacay.
Heshiiska xabad-joojinta ee ay labada dhinac gaareen ayaa waxa uu dhaqan geli doonaa Habeenka Isniinta, abaaro 9:45 daqiiqo ee Fiidnimo ee xilliga dalkaasi oo u dhiganta 7:45 daqiiqo ee Xilliga Greenwich mean time (GMT).
Heshiiskaasi oo ay Dhexdhexaadiyaal ka yihiin Sacuudiga iyo Maraykanka ayaa waxa uu ka duwanaan doonaa Heshiisyadii hore ee XJJ ee lagu xadgudbay.
Taabagelinta Heshiiska waxaa lagu xusay in Dayax-Gacmeedya lagua socon doono Dhaqdhaqaaqyada Milliteri ee labada dhinac, iyadoo lagu baaqay in Ciiddamada labada dhinac laga wada daad-gureeyo magaallooyinka iyo Adeegyada kale ee Bulshada, lana joojiyo Duqeymaha loo adeegsanayo Diyaaradaha, Madaafiicda Culus iyo Diyaaradaha Darooniska.
Heshiiska XJJ ee lagu gaaray magaalladda Jeddah waxa lagu ayiday Muhiimada in laga fogaadaan inta ugu macquulsan Isbitaallada.
Si kastaba, inta badan Maleeshiyaadka hubeysan ee dalalka ay Colaadaha ka dhacaan lagama wacyi-geliyo Xeerarka iyo Shuruucda Caalamiga ee khuseeya dhowrista dadka Rayidka iyo Ilaalinta Xurmada dadka Dibloomaasiyiinta iyo Xarumaha iyo Hantida Safaaradaha.
W/Q: Ustaad Nuuradiin
The post Kooxaha Suudan oo gaaray heshiis xabad-joojin ah & Safaarad la bililiqeystay appeared first on Radio Dalsan.