Heritage oo R/W Rooble kula talisay lix qodob kahor shirka berri ka furmaya Muqdisho


Muqdisho (Benaadir News) – Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa soo saaray warbixin uu cinwaan uga dhigay “Sida uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u hanan karo fursadda jirta,” oo uu Rooble ku siiyey lix talo, kahor shirka berri la filayo inuu Muqdisho ka furmo ee arrimaha doorashada.

Hoos ka aqriso warbixinta Heritage 

1-dii Maajo 2021, ayaa Golaha Shacabka ee baarlamaanka dawladda federaalka Soomaaliya, uu ka laabtay muddo kordhintii uu sameeyey 12 Abriil 2021, taas oo ay ku korodhsadeen muddo-xileedkooda iyo kan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mudo laba sannadood ah. Tallaabadan ayaa xasillooni ku soo dabbaashay xaaladda dalka oo qarka u saarnayd in uu ka qarxo dagaal sokeeye, ka dib dhawr maalmood oo ay Muqdisho ku dhex hirdamayeen ciidammo ka wada tirsan ciidamadii aminga dalka oo la kala safan xukuumadda Farmaajo iyo hogaamiyeyaasha mucaaradka. 

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, tobannaan kun oo shacab ah ayaa guryahoodii Muqdisho uga qaxay dagaalkii hubaysanaa ee ka dhacay Muqdisho, waxaana cirka isku shareeray xiisadaha siyaasadda ee caasimadda Muqdisho, taas oo dib ugu laabatay xaaladdii ugu xumayd, ka dib markii ay golaha shacabku qaateen go’aanka la isku diidan yahay ee muddo kordhinta ah. Iska hor-imaadyadii hubaysanaa ee ka dhacay caasimadda iyo cadaadiskii joogtada ahaa ee ay beesha caalamku dul saartay, ayaa Farmaajo iyo golaha shacabkaba ku qasbay in ay ka laabtaan go’aankii ay qaateen, kuna dhawaaqaan in ay DFS u laabatay heshiiskii wadaxaajoodka doorashooyinka ee 17 Sebtember. 

Waxa aad muhiim u ah, in uu madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay in raysalwasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble ku meteli doono hoggaaminta wadaxaajoodka arrimaha doorshooyinka. Farmaajo waxa uu raysalwasaaraha u xilsaaray in uu maamulo amniga iyo habsami-socodka doorashooyinka—arrintan ayaa ah halka ay sartu ka qudhuntay ee uu daaran yahay khilaafka u dhaxeeya dawladda faderaalka iyo kooxaha mucaaradka, oo hadda ku midoobay Golaha Badbaadada Qaranka. Mucaaradka iyo beesha caalamkuba waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen tallaabadan, waxaa aayna masuuliyaddeeda dusha ka saareen raysalwasaaraha. Raysalwasaaraha oo markii hore loo arkayey in aanu saamayn naf leh ku lahayn siyaasda dalka marka lala barbardhigo madaxweyne Farmaajo ayaa si lama filaan ah isugu arkay in uu tiir dhexaad u yahay xasilinta xiisaddahii taagnaa isla markaana helay raasumaal siyaasadeed oo mug leh.

Isla markii uu masuuliyaddan cusub qaaday, waxa uu raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble aasaasay guddi isku dhafan oo amniga ka shaqeysa, si ay talooyin wax ku ool ah uga gaystaan siddii ciidamada amniga ee dagaalku dhexmaray looga saari lahaaa caasimadda. Maalmo yar gudahood, ayaa uu raysalwasaaruhu dib-u-celin degdega ah ku sameeyay ciidamada, iyaga oo ku laabtay furamihii ay al-Shabaab kula dagaallamayeen iyo saldigyadoodii kale ee ay hore uga hawlgali jireen. Dhanka kale, si loogu gogolxaadho arrimaha doorashooyinka, raysalwasaaruhu waxa uu ku baaqay kulan u dhaxeeya DFS iyo hoggaamiyeyaasha dawladaha xubnaha ka ah federaalka, kulankaas oo loo asteeyay in uu qabsoomo 20-ka Maajo 2021. 

Gaadhitaanka guulahan degdegga ah, raysalwasaruhu kuma keenin oo kaliya awooddiisa siyaasadeed, balse waxa ay ku yimaaddeen in uu si weyn kor ugu qaaday kalsoonida ay
ku qabaan saammilayda siyaasaddu, iyaga oo ku taageeray in uu awooddiisa u isticmaalo xasilinta xiisadda siyaasadeed. Inkasta oo uu raysalwasaaruhu awood u leeyahay in uu dhinacyada oo dhan ka caawiyo in ay helaan gogol loo dhan yahay, haddana in uu farsadda kaga faa’iidaysto muddadan gaabani, waxa ay u baahan tahay in la isla helo karti siyaasadeed, istaraatiijiyad hiraal fog iyo fahan qotodheer oo loo yeesho qodobbada la isku maandhaafsan yahay, kuwaas oo sababay in lagu fashilmo wadahadalladii hore ee dhexmaray DFS iyo mucaaradka. 

Faalladan waxa looga gol leeyahay in lagu iftiimiyo siyaalaha uu raysalwasaaruhu u hanan karo fursaddaha jira muddadan gaaban si uu dalka guul ugu horseedo, ka dib xiisadahii baaxada weynaa ee ku salaysan siyaasadda iyo nabadgelyada ee la soo maray. Ugu horrayn, waa in uu raysalwasaaruhu dhexda u xidhaa in aanu sinaba dib u dhac ugu iman shirka uu ku baaqay 20-ka Maajo. Xataa dib-u-dhac yari, waxa uu wiiqayaa arrintan hadda taagan, isaga oo sababi kara cawaaqib xumo aan halisteeda laga soo waaqsan. 

Waxa intaa dheer, in R/W Rooble uu sameeyo dedaalkasta oo ay dhammaan saammilaydu kaga soo qaybgalayaan shirka soo socda. Marka laga yimaaddo dawladda federaalka iyo dawlad-goboleedyada, Golaha Midawga Musharaxiinta iyo labada guddoomiye ee aqalka sare iyo golaha shacabka waa in ay shirka ka soo qaybgalaan, iyada oo lagu tixgalinayo kaalintii muga lahayd ee ay ka qaateen xiisadihii dhawaan dhacay—waana in si degdeg ah xal loo gaadhaa. Haddii lagu fashilmo in loo wada dhammaado kulanka 20-ka Maajo, waxa ay curyaaminaysaa rejada laga qabo maxsuulka shirka. 

Arrimaha ugu muhiimsan 

Waxa la isku wada raacsan yahay in heshiiskii hadalhaynta badan dhaliyay ee 17 September, iyo talo soo jeedintii farsamo ee Baydhabo lagu qabtay 16 Febaraayo, ay gundhig u noqon doonaan wadahadalka la filayo in uu qabsoomo 20-ka Maajo. Hayeeshee, saammilayda siyaasadda ee Soomaaliya ayaan isku raacsanayn nuxurka heshiisyadaas, maxaa yeelay qolo kastaaba si gaara ayay u turjumatay heshiisyadaas. Marka loo eego sida ay qabto Dawladda Federaalka Soomaaliya, heshiisyadaasi waa qaar kama danbays ah oo dhaqangalay, waxa kaliya ee la rabaana waa in ay dhinacyadu isku waafaqaan. Dhanka kale, golaha midowga murashaxiinta, guddoomiyaha aqalka sare iyo dawlad-goboleedyada ay isku xulufada yihiin ee (Puntland, Jubbaland) waxa ay qabaan in ay heshiisyadaasi qabyo yihiin, oo ay wali socdaan, sidaa darteedna aanay u ahayn kuwo dhaqangal ah. Qoladan danbe waxa ay ku doodayaan in heshiiska 17 September uu yahay ka asaaska ah ee laga duulayo, loona baahanyahay wadahadal qotodheer. 

Waxa loo baahan yahay in uu Raysalwasaare Rooble isku xiro ama isu soo dhaweeyo kala duwanaashahaas aragtiyeed ee u dhaxeeya labada dhinac. Si kastaba ha ahaatee, waa in Raysalwasaaraha loo arko ama uu muujiyaa madaxbannaani siyaasadeed, isla markaana waa in uu la yimaaddo taxadar dheeraad ah, si uu dhexdhexaad ugu noqdo ama ugu sinnaado madaxwayne Farmaajo iyo mucaaradka. In uu majaraha u qabto wadahadalka doorashada, waxa ay ku xirantahay awoodda uu ku maareeyo in laga gudbo wadiiqadaas ciriiryoon. Waxa dhab ah,in raysalwasaaruhu awood weyn ku helay go’aankii u ku diiday muddo kororsigii labada sano ahaa. Marka taas laga yimaaddo, wali waxba iskamay beddelin nuxurka ama waxyaabaha gundhigga u ah siyaasadda la isku hayo, sidaa darteed Raysalwasaaraha oo kaliya ayaa ku habboon in uu arrimahaas u xalliyo hab kalsooni abuuri kara. 

Qiimayntanyadan, lix arrimood ayaa fure u ah in la helo wadahadal qotodheer oo daacad ah: 

Tan kowaad, Raysalwasaaruhu waa in uu xasilooni ka dhex abuuraa hoggaanka sare ee laamaha amniga, gaar ahaan Ciidanka Qaranka Soomaaliya. Qulqulatooyinkii hubaysnaa ee 25-29 Abriil Muqdisho ka dhacay, waxa ay inta badan u dhaxeeyeen cutubyo ka wada tirsan ciidanka qaranka Soomaaliyeed, oo la kala saftay dhinacyada siyaasadda. Taliyeyaal sarsare ayaa mucaaradka garab la noqday, iyaga oo sheegay in ay “difacayaan dastuurka iyo nidaamka dimuqraadiyadda.” kadib markii uu raysalwasaaruhu dib-u-calin ku sameeyay ciidamada amniga,waxa uu wadashaqayn wayn la sameeyay dhinacyada kala duwan, si uu u soo celiyo kalsoonidii hoggaanka sare ee ciidanka. Hawlaha horyaal Raysalwasaaraha waxaa ka mid ah sidii uu go’aan adag uga qaadan lahaa la dhaqanka taliyeyasha siyaasadeeyay laamaha amniga, ha noqoto in uu beddelo ama meelo kale u wareejiyee. Hayeeshee, marka la eego xaaladda kacsan ee dalku ku jiro, in tallaabooyinkaas lagu dhiirradaa ma aha arrin fudud. Iyada oo aan xal loo helin arrimaha cakiran ee ka dhex jira laamaha amnigana, mudane Rooble way ku adkaan doontaa in uu horseed u noqdo wadaxaajood siyaasadeed oo miro dhal leh. 

Labaad, waa in uu raysalwasaaruhu iska ilaaliyaa in uu dib ugu laabto khaladaadkii hore
oga dhacay, marka ay timaaddo magacaabida guddiga doorashooyinka federaalku. Guddigii maammulka doorashooyinka ee khilaafka badan dhaliyay, oo la aamminsanyahay in ay ku yimaaddeen rabitaanka madaxwayne Farmaajo ee uu hore u magacaabay Oktoobar 2020. Qaar ka mid ah guddigaas ayaa ah saraakiil sarsare oo ka tirsan xafiiska madaxwaynaha, iyo ka raysal-wasaaraha, ka mid noqoshadooda guddida doorashooyinkuna waxa ay meesha ka saartay kalsoonidii lagu qabi lahaa guddigaas. Raysalwasaaruhu waxa uu haystaa fursad oo uu ku soo dhisi karo guddi cusub oo doorasho, si loo suurtagaliyo in ay xubnahaasi noqdaan kuwo hela kalsoonida dhammaan saammilayda siyaasadda. Nasiib wannaag, Soomaaliya waxaa laga helayaa dad badan oo doorkaas qaadan kara, raysalwasaaruhuna waxa uu si shakhsiyan ah u yaqaannaa dad badan oo kaalintaas buuxin kara. In uu raysalwasaaruhu tallaabadan ku dhiirradaa waxa ay noqonaysaa farriin wayn oo muujinaysa in uu mudane Rooble daacad ka yahay qabsoomidda doorashooyin loo dhanyahay, oo lagu higsanayo doorasho xor iyo xalaal ah. Sidaa oo kale, arrintaasi waxa ay dawladaha Federaalka xubnaha ka ah ku riixi doontaa in ay dhankooda ka magacaabaan guddi ixtiraam ku leh bulshada dhexdeeda, waa haddii uu raysalwasaaruhu jeexo tusaale wanaagsan. 

Seddexaad, raysalwasaare Rooble waa in uu dhakhso u xalliyo caqabadaha iyo isdiidooyinka hortaagan guddida doorashada Soomaalilaan. Nasiib wanaag, arrinta Soomaalilaan, way sahlantahay in la xalliyo marka loo eego kuwa kale, maxaa yeelay, doorkaas waxaa leh R/W kuxigeenkiisa, Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi. Dhexdhexaadinta labada dhinac,waxa uu R/W Rooble ku cadaadin karaa in ay ku heshiiyaan nidaamka qaacidada, si ay wada jir ugu soo wada magacaabaan guddi masuul ka noqotaa maamulidda doorashada Soomaalilaan. Shaki kuma jiro in hoggaamiyeyaasha arrintani khusaysaa ay leeyihiin karti iyo go’aan ay ku gaaraan heshiis caddaalad ah. Balse marka ay timaaddo goobta codayntu ka dhacayso, waxa ugu habboon, macquulna ah, in la tixgalinayo u nuglaanta cadaadis ay wajihi karaan, haddaba si taas looga hortago waa in xulidda baarlamaanka Soomaalilaan lagu qabto gudaha gagida diyaaradaha ee Muqdisho, amnigoodana loo xil saaro AMISOM. 

Afraad, maaddaama ay ilaa iyo hadda arrinta Gedo tahay tan ugu adag dhamaan arrimaha miiska saran, raysalwasaaruhu waxa uu door dhexdhexaadineed ka ciyaari karaa xiisadda Gedo. Si ka duwan madaxweynaha, oo dano gaar ah ka leh xaaladda Gedo, loona arko in uu door hoggaamineed ka ciyaaray qotodheerida dhibaatadan, raysalwasaaraha waxa loo arki karaa in uu yahay shaqsi dhexdhexaad ah. Sida ku xusan heshiiska 17 Sebtember, dowlad- goboleedyadu waa in ay qabsan karaan doorashooyin u gaar ah. Si kastaba ha noqotee, dhinacyada Jubbaland waxa ay ku qasban yihiin in ay si daacad ah ugu gorgortamaan, oo ay go’aansadaan hannaanka ay u arkaan in ay doorasho uga dhici karto Gedo, iyada oo la waafajinayo tabashooyinka sharciga ah ee bulshada gobolka.

Shanaad, waa in tixgalin gaar ah la siiya waqtiga doorashada lagu qabanayo. Muddadii sharciga ahayd ee masuuliyiinta la doortay waxa ay ku ekayd seddex bilood ka hor, wadahadalada oo sii daba dheereedaana waxa ay horseedi karaan muddo kordhin tuugaaleysi ah, oo aan la shaacinin. Inta lagu guda jiro wadaxaajoodka dhacaya 20-ka bishan Maajo, waa in uu raysalwasaaruhu dejiyaa waqti bartilmaameed ah oo cayiman si ay labada doorasho ee baarlamaanka iyo madaxweynaha ugu qabsoomaan 90 ilaa 120 maalmood gudahood. Markasta oo ay saammilaydu sida uga dhakhsaha badan uga heshiiso doorashooyinka, waxa ay u fiican tahay xasiloonida dalka ee muddada-dheer. 

Ugu dambeyn, kaalinta beesha caalamku weli aad ayey muhiim u tahay. Cadaadiska joogtada ah ee ay ku hayaan madaxda Soomaaliya ayaa caawiyay in dib loo furo wada hadallada ka taagan jahwareerka siyaasadeed. Marka la eego, dhexdhexaadinta Midowga Afrika, oo ku timid codsiga madaxweyne Farmaajo, waa in loo oggolaadaa in ay sii socoto. Go’aankii ay DFS ku diiday ergayga midowga Afrika yaa tilmaan qaldan bixiyey. Marka laga yimaaddo cidda noqonaysa ergayga Midowga Afrika, waxaan shaki ku jirin in saamileeyda siyaasada Soomaaliya ay u baahan doonaan dhexdhexaadin inta wadahadalku socdo. Ku dhowaad 

15 sano, Midowga Afrika waxa uu wax badan u huray xasilloonida iyo nabadgalyada Soomaaliya, iyada oo loo marayo Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee loo yaqaanno AMISOM. Ergayga Midawga Afrika ayaa matali kara bulshada caalamka oo dhan, isaga oo wakiil ka noqon kara habsami-socodka wadaxaajoodka doorashooyinka, waa haddii ay codsadaan dhinacyada ku loolamaya siyaasadda Soomaaliya. Wadaxaajoodyadii hore ee doorashooyinkuna waxa ay bulshada caalamka uga baahdeen dhexdhexaadin.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WP Twitter Auto Publish Powered By : XYZScripts.com