Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud macalin Cabdulle oo maalmahan safar shaqo ku joogo dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay maamulka sare Bisha Cas ee dalka Turkiga.
Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ay Bisha Cas Turkiga ku leedahay magaalada Ankara ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhaweeyay Alper Kucuk oo ah Agaasimaha guud arrimaha caalamiga ee Bisha cas Turkiga.