Gudoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in ay dhawaan dhisi doonaan Xarunta Gurmadka deg degga ah, taas oo baahi wayn looga qabo deegaannada Galmudug.
Sidoo kale wasiirka Wasaaradda Gargaarka Galmudug oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga xarunta ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay dhismaha xaruntaan taas oo uu oga mahadceliyay hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka.
Ugu danbayn, Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa u mahadceliyay wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Duqa Caasimadda Galmadug Geedaqorow sida wanaagsan oo ay hay’adda u soo dhaweeyeen uguna deeqeen dhul laga dhiso xarun loogu adeeggo shacabka Galmudug.


