Tuesday, August 9, 2022
HomeNewsDuulaanka Masaarida ee dhaqaalaha Soomaaliya

Duulaanka Masaarida ee dhaqaalaha Soomaaliya


Abaaraha sanadkii 1980’s waxaa labada bangi ee ugu weyn adduunka ay xafiisyo ku lahaayeen magaalada Houston ee dalka Mareykanka. Labada nin ee madaxda ka ah labadaan bangi ayagaa is fiirsan jirey. Midba wuxuu fiirin jirey kan kale waxa uu sameeyey iyo meesha uu wax marinaayo. Subixii danbe ayey hurdada ka soo kaceen ayadoo bangiyada adduunka ugu waaweyn ay noqdeen Japanese iyo Korean. Mid ka mid ah ayaa la weydiiyey, sidee ku lumiseen saamigiini dunida? Wuxuu yiri anagaa is fiirsaneyney ee ma anagaa dad kala is ka fiirineyney! Ganacsatada ugu waaweyn Somalia waxaa ku soo socota arrin la mid ah midii qabsatay bangiyada Mareykaka sideetamaadkii.

Intii wax ogaatay dila,
Intii la ogaatay dila,
Ogaanta lafteeda dila,
Si aan waxba lavatory ogaan”
— Cabdiqaadir Xirsi Yamyam– 

Horudhac:

Siyaasadda arimaha dibada ee dalka Masar waxaa lagu soo koobi karaa sadex arimood:

1. Hunguriga wax la mariyo: In ay meel saarto nolol maalmeedka shacabkeeda. Taas oo salka ku heysa in ay shaqo u abuurto shacabkeeda ayada oo horumarineysa wax soo saarka warshadaha Masar iyo khayraadka badda iyo beeraha iyo in ay horumariso suuq geynta alaabteeda suuqyada dunida siiba Afrika.

a. Macayshadaas waxaa soo galay dagaalka kala dhexeeya Ethiopia ee webiga Nile,

b. xiriirka ay la leedahay ruusha ee ku dhisan in ay qamadi iyo gaaska wax lagu kariyo ka soo gadato, ruushkuna u soo dalxiis tago dalka Masar.

c. In gacanta ku dhigto suuqyada Africa ee dihin

d.In wadamada alaabta ceeriin buuxdo aan weli laga faa ideysan sida Somalia (Xoolaha, Badda iyo dhul beereedka) ay ka gurato alaabta warshadaheeda uga baahanyihiin

2. Heshiiska Masar iyo Yahuuda: Heshiiskaas oo ku saleysan in Masar ay saaxiib la ahaato dalka Yahuuda, ayadana lavatory biilo ciidamada, dalalka reer galbeedkuna ay saaxiib la ahaadaan dalka Masar. Haddii heshiiskaas uu galo qalqalna ciidamadaas la biilo ay hubka qaataan sidii dhacday markii xukunka la wareegeen qolada Akhwaan Muslimiinka

3. La dagaalanka kooxaha doonaya in ay diin wax ku xukumaan sida Akhwaanu Muslimiin

Hadaba Masar maxay Somalia ka dooneysaa? Waxay dooneysaa in ay ka furato bangiyo, waxay dooneysaa in dayuurada Egyptian Airline ay dalka timaado, waxaa ay dooneysaa in ay xoolaha Soomaaliya dhoofiso, waxaa ay dooneysaa in Somalia ka kaluumeysato. Waxaa ay dooneysaa in Somalia ay kala xaajooto arimaha webiga Nile ee Masar iyo Ethiopia ka dhex aloosan ayada oo daneyneysa in ay Somalia ka dhigato budkii ay ku garaaci lahayd Ethiopia. Waxaa ay dooneysaa in ay fahamto suuqyada waaweyn ee ganacsiga Soomaaliyeed ee Afrika sidee ku galeen Soomaalidu?. Waxaa ay Masar dooneyso waa wax danteeda ku saleysan oo kali ah kuna fadhiyo maxaa hunguriga la mariyaa.

Hadaba Siyaasadda arimaha dibeda Masar ee ku wajahan Somalia waan isla garanay, ee maxay tahay Siyaasadda Somalia aan ka leenahay dalka Masaarida?

Waxaa hubaal ah in aan iska socono sida hawtal hamaga ee aanan lahayn siyaasad arimo dibadeed oo ku aadan dalka masaarida. Taas waxaa kuu cadeynaaya siyaasiyiinta Soomaalida ee ka shaqeeya arimaha dibeda markaad la sheekeysato, midba dhan ayuu wax u cabirayaa ayada oo lagu soo koobi karo sadex fikradood. 

1. Masar waxaan isla nahay carab, waxaan wadaagnaa diin iyo dhaqan, iyo waxbarasho marka waa in aan xiriir wanaagsan la leenahay ka duwan kan ka dhexeeya wadmada kale. 

2. Masar waxaa naga dhexeeya xiriir difaac oo soo jireen ah waa in aan xiriirkeeda wanaajinaa. 

3. Masar waxaa ay ku fiicantahay warshadaha yaryar oo waxaan ka barankareynaa warshadaha yaryar iyo shaqo abuurka

Hadaba bal aan eegno arimahaan ay sheegaan siyaasiyiinteenu in ay u babac dhigi karaan mida ay dooneyso dawlada Masar ee ku saleysan dhaqaale ay hesho iyo shaqo abuurka shacabaka Masar.

Diinta haddii la yiraahdo, ardada ugu badan ee diinta barata waxaan u dirnaa dalka Sacuudiga oo diinta iyo dhaqan ka islaamka intaba uga dhow dalka Masar. Marka arin diin ku saabsan oo maanta lavatory doontaa dalka Masar waa struggle aan sugnayn. Waxbarashada maadiga ahna dalka Greece oo ugu faqrisan Europe wuxuu ku qarash gareeyaa waxbarashada ugu yaraan 4% GDP, halka dalka Masar uu ku qarash gareeyo wax ka yar 3%.  Shacabka Masar boqolkiiba waxaa wax aqrin kara waa 71% halka dalka Cuba ay wax aqrin karaan waxna qori karaan boqolkiiba 99%. Taas waxaa ka garan kartaa xataa waxbarashada maadiga in ay ku liitaan. Waxaa ay kor u dhaafeen 100 milyan oo qof, maanta ma magacaabi kareysaa hal shirkad oo masaari ah oo dunida laga yaqaan? Ma jirto haba yaraatee. Marka waxbarasho diin waxaa ka fiican Sacuudi Carabiya, mida maadigana waxaa kaga fiican Pakistan, India, Cuba, Brazil iyo Rwanda. Marka ma jirto baahi aan u qabno dalka Masar dhankaas oo aan ku badalan kareyno dhaqaalaha ay naga rabto.

Masar waxa lacag iyo hub uu Mareykan ku daldalaayo, waxaa ay ka adkaan la dahay xoogaa yar oo qabaail reer baadiye ah oo ku nool saxaaraha Siinaay ee dalkaas. Waxaa ay waxba ka qaban weysey dalka Liibiya oo dano waaweyn ay ka leedahay sida in ay ka hesho batroolka kaabigana ku haya. Waxaa ay ku guuldareysatay in ay heshiis ama dagaal mid uun wax uga soo hoyso xiisada webiga Nile kala dhexeeya Ethiopia. Masaaridu haba yaraatee wax waqti ah kuma bixin iskumana deyin in ay kala dhexgasho maleeshiyaadkii hubeysnaa iyo dawladii Siyaad Barre markii ay sii dhacaysay, ee Safaaradooda ayay ka qaateen, halkaas ayayna ka daawanayeen xarbiga ahliga ah ee gaag mareebaha ahaa ee sodonka sano qaatay dalka Somalia. Marka saaxiibtinamada ay sheeganayaan waa mid aan dhaafsiisneyn Afka. Haddii ay run ka tahay sida Ruushku ugu soo gurmaday Syria, ama mareykanku ugu gurmaday Ukraine, ama Faransiisku ugu gurmado wadamada Africa ee saaxiibka yihiin aya noogu imaan lahaayeen. Masar maahan saaxiib soomaaliyeed ee waxaa ay Somalia u aragtaa ul ay markay rabto soo qaadato oo ay Ethiopia ku garaacdo. Dhanka difaaca meeshaad ka fiiriso Masar, ayadaa u baahan caawinaad iska daa mid aad ka helnee.

Wadamada ugu fiican waxa lavatory yaqaan warshdaha yaryar ama (small industries) waxaa ugu horeeya India, Pakistan, Spain iyo Japan. Haddii aad rabto in aad fahamto Iskaashato iyo shaqo abuur waxaa nooga fiican anagoo darisna Mondragon ka gobolka Basque ee dalka Spain oo Afrika ilaa Laatiin Ameerika looga yimaado waxbarasho iyo sida shaqada lavatory abuuro iskaashiga. Dalka Masar waa looga horeeya warshadaha yaryar oo waxaa in badan uga horeeya India, Pakistan, Japan iyo Spain oo aan ka baran karnaa. Xataa waxaa kaga fiican Rwanda iyo Tanzania xaga warshadeynta yaryar iyo dhexe.

Siyaasiyiinta Soomaalida waxa ay cabirayaan waxaa ku jira wax yar oo run ah laakiin maahan siyaasad qaabeysan oo la isku aruurshey kana jawaabi kareysa baahida dalkeena oo ku aadan mida Masar ee xoogan kuna wajahan dhaqaalaha Somalia. Waxa kale ee ah diinta, waxbarashada, dhaqanka, dhanka milatariga waxaa ay Masar u aragtaa arin u qidmeyneysa baahideeda dhaqaale ee kama ahan walaaltimimo sida mida turkida. Wax wanaag ah oo dalkaas burbursanaa sodonka sano dawlada Masar ma ku aragteen? Ma jirto. 

Dhanka Dhaqaalaha:

Waa danta kaliya ee xaqiiqda ah ee ay Masar ka leedahay Somalia.

Waxaa is weydiin mudan in ay Masar xiiriir ka qoto dheer kan Soomaaliya ay la leedahay dalka Sacuudi Carabiya iyo wadamada la isku yiraahdo gacanka carbeed (GCC). Waxaa wadamada gacanka carbeed ka shaqeeya malaayiin Masaari ah, hadana bangiyada Masaaridu kama furna inta badan wadamada gacanka carbeed.  Maxaa looga furi waayey wadamadaan ay luuqad, dhaqan, dhaqaale iyo difaac soo jireen ah wadaagaan ee gacanka carbeed? Masar maxay u rabtaa in ay Bangiyadeeda ka furto Somalia oo ah wadan dhaqaalihiisa, nabadiisa iyo dhamaan adeegyada bulshada ay weli burbursanyihiin?  Mida labaad ee ah in ay Masaaridu Soomaaliya ka rabaan hilib iyo qudaar, ma runbaa? Su’aalahaan si aan uga jawaabno waa in aan fahanaa arinta ugu weyn ee hageysa sahanka nooga yimid dalka Masar.

Dawladda Masar waxaa ay cashar ka qaadatey kacaankii la baxay Arab Spring (Guga Carabta). Waxaa ay ogaatey haddii dhalinyarada iyo shacabku waayaan shaqo, oo ay maareyn waayaan macayshadooda in ay dawlada ku soo jeesanayaan ayagoo kacdoon ah oo sidii dawladii Xusni Mubarak ku burburtay ay halis ku jirto dawladooda. Sidaas daraadeed ayaa waxaa dawladda Masar u aragtay in shaqo lavatory abuuro shacabkeeda faraha badan ee 100 ka milyan gaaraya ay tahay muqadas iyo lama huraan. Weliba waxaa dawlada hadda jirtaa u aqoonsatay shaqo abuurka inuu yahay muhimada koowaad ee amniga qaranka. Marka orgi la fuulyaa ama qabaal la fuulyaa waxaa dawladda Masar ka go’an in shaqo lavatory abuuro shacabka Masar sidey noqotaba. Arintaas haddii aad Masri tahay waa arin lavatory riyaaqo, laakiin haddii aad Soomali ama Afrikan tahay, dhagahaaga fur. Arintu maahan sheekadii reer galbeedka sheegi jireen ee Guul-Guul (Win-Win). Tani waa guul ama khasaaro (Win or Lose).

Dawladda Masar ayada oo ka duuleysa hadafkaas weyn ayaa waxaa ay bilowday mashruuc qaran oo balaaraan oo lagu abuurayo shaqo kaas oo salka ku haya in la balaarsho warshadaha wax soo saara islamarkaana alaabtaas la geliyo suuqyada dunida weliba suuqyada Afrika ee dayacan ayaa xooga la saaray lana doonayaa in faraha lagu dhigo. Sababta ugu weyna waa in aan shacab shaqo la’aan ah mudaharaad ku kicin dowlada. Mashruucaan waxaa qayb ka ah (1) Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha, (2) Wasaarada Maaliyada, (3) Wasaarada Arimaha Dibedaa, hay’ada canshuurta, Bangiga dhexe ee dawlada Masar, Bangiyada shaqsiga lavatory leeyahay ee ka mid ka ah barnaamijkaan (4) Wasaarada Difaaca iyo hay’adaha sirta dhaqaalaha. Mashruucaan waxaa la yiraahdaa Adeega Ganacsiga Masar (Egyptian Business Service ECS). 

Mashruuca wuxuu ka koobanyahay shan qaybood. (1) Siyaasad lagu qancinayo siyaasiyiinta dalalka Afrika ee la rabo in la galo suuqooda (2) In laga dhiso dalalka Afrika rugo iyo suuqyo waaweyn oo ganacsi oo la keeno alaabta warshadaha Masar (3) In la furo bangiyo lacag siiya ganacsatada masaarida ee imaanaya rugahaas ganacsiga si dalbaadkooda si xoogan ugu socdo (4) In laga bixiyo rarka shixnadaha ganacsata Masar si alaabtooda ay u noqoto mid ka jaban mida kale ee ganacsatada wadamada Afrika ka keenaan dalalka kale (5) In lagu soo daro khubaro ganacsatada ka caawisa caqabadaha iyo wixii teknikal dhibaato ah oo soo wajaha.

Tusaale waxaa kuugu filan wixii shirkadaha Masaarida ay soo dhoofinayaan waxaa boqolkiiba 50 (50%) bixinaysa rugtaan ganacsiga. Taas oo ka dhigan haddii nin masaari ah uu konteenar caano ah ka soo qaado Masar waxaa boqolkiiba konton ka bixineysa dawlada Masar. Suuqa iyo meesha uu soo dhigaayo inta uu ka gadaayo, waxaa ijaarkeeda bixinaya rugtaan lavatory dhisay ee dawlada Masar qarashkeeda bixisey. Markii uu dalab ka helana waxaa u horumarinaaya lacagtii bagiyadaan ay meesha keensadeen ee suuqii gudaha kula jooga. Sidaas waxaa loogu talo galay in ay suuqa ka saaraan shirkadaha madaxa banaan ee la tartamaya ee wax ka keenaya dalalka kale sida Shiinaha, Hindiya iyo Turkiye. Sidee ula tartameysaa nin lacagtii la soo deyminaayo, rarkii nus laga soo bixiyey, meeshii uu alaabta ku soo dejin lahaa ijaarkii oo bilaash ah lavatory sii diyaariyey, alaabta dekada looga soo saaray oo safaaradu u sii gogol xaartay, suuqiina jumladii halkaas kugula gadaaya!!!

Meelaha ay xooga saareen waxaa ugu horeeya (1) Cuntada la habeeyey (Processed Meals) (2) Daawada (Prescription drugs) (3) Waxa ceeriinka ah sida xoolaha aan la qalin, kaluunka, dhagaxda iyo shamiitada.

Masaaridu waxaa ay tiraahdaa Somalia waxaan ka rabnaa hilib iyo kaluun. Bal aan eegno ayadana. 

Somalia hilibka waxaa ay u dhoofisaa dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ka lacag iyo dhaqaale badan dalka Masaarida. Masaariduna sidoo kale wadama Sacuudiga iyo Imaaraadka ayay nagula tartantaa in ay hilibka, kaluunka iyo qudaarta geyso. Waxaa ay wadaa qorsheyaal badan oo ay rabto in ay Soomaaliya suuqa wadamadaan kala wareegto, waxaa ay beertaa looda, ariga Suudaan, iyo weliba idaheena oo ay ku bilowday tijaabo in ay ku beerto dalkeeda. Waxaa ay xataa sameysey beeraha ugu waaweyn ee hilibka gorayada ayada oo rabta in hilibkaan gorayada laga cuno gudaha dalka Masar si ay ugu dhoofiso hilibka kale wadamada khaliijka.

Masaarida waxaa ay aragtay kala daadsanaanta, iyo habacsanaanta ganacsatada xoolaha Soomaaliya. Waxaa ay ogaatay in ay fursad weyn uga banaantahay in ay xoolaha Somalia inta qasho oo kala habeyso ay dunida uga gadan karto qiime ka sareeya kan Soomaalida ay hadda ku gadaan. 

Soomaalida ganacsade ayaa xoolaha u dhoofinaya Dalka Cumaan, mid ayaa xoolaha u dhoofinaya dalka Sacuudiga, mid ayaa u dhoofinaya dalka Imaaraadka, waxaa garab socda ganacsade kale oo asaguna u dhoofinaya isla wadamadaas kana jabinaya qiimihii kii hore uu ku gadaayey oo ayagii ayaa suuqa isku jebinaaya. Waxaa sii dheer, kuwo ayaa ku dhoofinaaya magaca Ethiopia, kuwo ayaa ku dhoofinaaya magaca Jabuuti, kuwo ayaa talaalkii xoolaha oo dhameysan dhoofinaya oo lagu soo celinayaa maraakiibtii oo raran oo xoolihii jidka gaajo iyo oon ugu soo dhimanayaan. Halkaas oo boqolaal qoys oo xoolo dhaqato ah iyo ganacsato ay qasaare xoogan ka soo gaaro sanad walba.

Masaaridu maahan sida Soomaalida oo kale, waxaa ay leeyihiin ganacsato waaweyn oo isku xiran, garanayana sida suuqyada aduunka loola macaamilo. Waa mida koowaade, xoolaha waxaa ay marsiinayaan wado mideysan, xaggii caafimaadka, talaalka iyo weliba xanaanada inta aan la qalin. Waa mida labaade, xoolo nool dhoofin maayaan ee waxaa ay ku qalayaan wadankooda. Neefkii oo is haysta waxaa lagu gadayaa inta kiilo uu yahay. Xubnihii aan la rabin qasaarin maayaan ee waxaa ay ka gadayaan qolo rabta sida dhiiga oo ay ka gadaan China, madaxii iyo majihii oo ay ka gadaan Nigeria, uurkutaashii oo ay ka gadaan Thailand, Vietnam iyo Cambodia, haragii oo laga ilaaliyey jeexjeex iyo qasaaro oo la sii habeeyey ayay ka gadayaan warshadahooda iyo kuwa China. Xataa neefka uuskiisa waxaa laga gadayaa beeraleyda Masar si ay ugu isticmaalaan beeraha abuurka.

Dad badan ayaa waxaa ay leeyihiin Masaarida miyay ka liidata Turkey da maxaa laga rabaa? Waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya Masaarida iyo Turkey da. 

Masar waa dal 102 milyan ah hadana faqri ah. Tusaale waxaa kuugu filan Masaarida waa 102 million wax soo saarkooduna waa 363 billion USD. Halka Turkey du ka tahay 84 million wax soo saarkooduna gaarayo 720 billion USD. 

Waxaa kaloo kuu sii dheer in Turkey du aysan luuqada Ingiriiska si fiican u aqoonin sidaas daraadeed na ay Soomaalida ka dhigteen gacantoodii ama laantoodii dhoofinta ee Africa (Enterprise Growth for Africa). Halka masaarida kuwooda jaamacadaha ka soo baxay ay yaqaanaan Ingiriiska iyo Faransiiska welina kula yaqaanaan nolosha ka jirta Africa. 

Waxaa kale oo Masaaridu uga duwantahay Turkida waxaa ay ka sameeyaan wadamada Afrika ee ay galeen rugtii alaabta jumlada oo waaweyn oo masaari fadhiso ayna keenayaan alaabtoodii. Halkaas oo tafaariiqleydii ay u dukaameysanayaan ayagoo ka saaray meesha ninkii gedi jirey alaabta jumlada. Laakiin alaabta turkida waxaa soo qaadaya ganacsato Soomaali ah oo markaas ayagu jumlo ku gadaaya. 

Sanadkii 2021 waxaa ay ganacsiyada Masaarida rugaha ay Afrika ka sameeyeen geeyeen alaab dhan $ 13 billion oo doolarka mareykanka ah. Sanadkaan 2022 waxaa ay qorsheeyeen in ay gaarsiiyaan ugu yaraan $50 billion USD ah.  Waxaa ay ka faa ideysanayaan ayaga oo si iskaashato ah alaabta ku soo raraya dawladooduna ka bixineyso rarkii 50% kiiba. Meeshii ay dhigi lahaayeen ee rugta ganacsiga lavatory sii diyaariyey isla markaana Safaaradu u soo xushey cidii ka gadan lahayd alaabta.

Dhamaan hay’adihii dawladooda, safaaradoodii iyo bangiyadoodii ayaa taageero hiil iyo hoo ah la garab taagan. 

Duulaanka ganacsi ee noocaan ah waxaa uu caqabad ku noqoneyaa ganacsata Soomaalida ee ka ganacsada Afrikada Bari (East Africa). Waayo ganacsatada Soomaalida dawlad ma taageerto, marka waa ku adkaaneysaa in ay la tartamaan dhowr boqol oo shirkadood oo dawladii Masar ay maraakiib u soo ijaareyso, canshuurtii laga bixinaayo, weliba haddii ay haystaan dalab bangigoodii uu u sii hori marinaayo lacagtii si ay dalab cusub u qaataan looguna daray baqaaradii iyo xayeysiintii oo bilaash ah.

Waxaa kale oo Masaarida uga duwantahay umadaha kale waa umad dhaqan ahaan xaasidnimada ay ku weyntahay. Waxaa garan karaaya ninkii la shaqeeyey ama wadankooda in badan ku noolaaday. Waa jirtaa in shaqsiyaad badan oo Muslimiin wanaagsan ay leeyhiin. Laakiin ka bulsho ahaan, waa dad aan umadaha kale ee ay ka dhex shaqeystaan aan dhex galin. Tusaale ahaan Yementa meesha ay tagaan waa degaan, waa ka guursadaan oo waxaad arkeysaa ninkii Yemeniga ahaa oo bulshadii ka mid noqday. Laakiin masaarida waxay meesha ka qaataan maahane, lacag iska gelin maayo wadankaaga, wuxuuna kuu arkaa oo kali ah in aad tahay khayraadkaas uu tuujinaayo ee isticmaalayo oo kali ah. Waxaa ay yiraahdaan Soomaalida waxaa naga dhaxeysa xiriir soo jireen ah oo boqolaaalsano ah. Haddii ay arintaas run tahay ma aragteen masaari Soomaaliyowday? Waa aragnay Yemen Soomaaliyowday, waa aragnay xataa turki soomaali noqotay, aaway Masaarida Soomaali noqotay? Ama Soomaali masaari noqotay? Ma jirto waayo kuma rabaan, waxaa tahay agtooda tuke madow oo sidii maacuunka lavatory isticmaalo. Waa dad marakay lacagta arkaan aad is leedahay qayimkii binuu aadminimada waa ka lumay.

Soomaalida ganacsatadeeda waxaan ku oran lahaa haddii aad leedihiin fadhi, urur iyo wadi tashi, waa la idin soo hayaa. Weliba waxaa la idiin soo adeegsanayaa dawladiina, bangiyada Masar, Safaaradahooda, Ciidamo iyo khubaro ku taqasustey sida lavatory galo suuqyada dihin ee dunida iyo Afrika. Weliba waxaa wada oo taageeraya Mareykan, Europe, iyo dalalka carabta ayagoo ka leh danahooda khaaska ah.

Waxaan aan ka hadlaayo waa wixii laga rabay dawlada Soomaalida in ay cilmi baaris ku sameyso, laakiin taas ma dhicin ee ganacsatada Soomaalid waxaa la gudboon inta goori goor tahay in ay tashadaan oo isku tiirsadaan oo is taageeraan. Wadan wuxuu ka noolyahay ganacsi, haddii ganacsigaaga burburo, dal iyo dad ma haysid. Wadankaan ganacsato ayaa u soo dhabar adeygay ha ahaadaan xawaalado, telefoono iyo dhamaan ganacsiga kale. Ilaa hadda lama hayo shirkad Soomaaliyeed oo gaartay 10 billion oo USD ah halka wadamada intooda badan laga heelaayo intaas oo shirkadood oo trilion greenback u dhow. Shirkadaha Soomaalida isku soo duub duub oo ku dar hormuud iyo Dahabshiil ayagoo dhan waa wada shirkado yaryar marka la fiiriyo qiyaaska dhaqaalaha dunida. Markii ay shirkadaha Soomaalida kobci lahaayeen oo shaqo abuuri lahaayeen in dhabarka laga toogtaa oo shirkado ka lacag iyo taageero badan ka haysta wadamadooda, shatiyo lagu siiyaa waa arin ceeb ku ah dawlada Soomaalida. 

Shatiyadaan shirkadaha ajaanibta ay siyaasiyiintu ku taagayaan, ayadoo aan daraasad laga sameyn u jeedka ka danbeeya waa in laga waantoobo. Haddii kale waxaa dhici doonta in la yiraahdo xoolo aan soo marin shirkado Masaari ah dalalka khaliija sooma geli karaan. In la yiraahdo liin aan lagu soo qalajin Masar ma soo dhoofin kartaan, in la idin yiraahdo xoolo aan soo marin xanaanada rugaha Masaarida ka furteen Somalia wadamada khaliijka ma soo geli karaan. In ganacsatada waa weyn ee keena sida sokorta, shamiitada, bariiska ay suuqa ka baxaan markii ay qiime kula tartami waayaan kuwa masaarida ee garabka ka helaaya dawladooda.Waxaan ku oran lahaa ganacsatada Soomaalida, warhoy talo u laabta.

W/Q: Ali Osman
ccusmaan@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Benaadirnews. Benaadirnews, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@dwell.com Mahadsanid.



RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments