Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Madaxa hey’adda qaxootiga adduunka ee (UNHCR) Mr. Magatte Guisse
Guddoomiye Madaale ayaa kulanka ka sheegay in maamulka Gobolka ay ka go’an tahay sidii Sanadka cusub ee 2023 xal waaro loogu heli lahaa dadka Barakacayaasha, iyo Qaxootiga ah..





