Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Alcadaala ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiir Alcadaala oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in howlgalo ciidanka dowladda Federaalka fuliyeen inta u dhexeeysa Tawakal iyo Garasjeereed ee Shabeellaha Hoose lagu dilay 136 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda in howlgalada oo maalmo socday sidoo kale lagu dhaawacay 98 dagaalame, waa sida uu hadalka u dhigay Cabdiraxmaan Alcadaala oo hadlaayay.
Wasiir ku-xigeenka ayaa waxaa uu tilmaamay in xubnaha la dilay ay ku jiraan saraakiil ka tirsan Al-shabaab, isla markaana lagu burburiyey kayd weyn oo hub, oo deegaanada howlgalka laga fuliyey oo ku lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer sheegtay in howlgalo ka dhacay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka ku dishay dagaalyahano iyo saraakiil kamid ahaa Al-shabaab, dowladda ayaana weli sii wada howlgalada ay kula dagaalameyso Shabaabka.
The post Dowladda Federaalka oo sheegtay inay howlgalo ku dishay Dagaalyahano ka tirsanaa AS appeared first on Radio Dalsan FM 91.5 MHz.