Dagaal u dhexeeya Khawaarijta ayaa ka dhacay deegaan hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ka baxsaday deegaanka Dabagalo oo doonayey inay isu dhiibaan ciidanka dowladda ayey maleeshiyo kale ku dagaalameen agagaarka magaalada Camaara ee gobolka Mudug.
Dagaalka oo socday ilaa hal saac ayaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa 7-ka tirsan maleeshiyada.
Dagaalka u dhexeeya Khawaarijta ayaa ah calaamad wayn oo muujinaysa sida kooxdan argagixisada ah ay ugu jabtay dagaalada ka dhanka ah aysana sii jiri doonin.
