Wednesday, August 10, 2022
HomeNewsBoqolaal dagaalyahan oo horleh oo Al-Shabaab ah oo ka tallaabay xuduudda Itoobiya

Boqolaal dagaalyahan oo horleh oo Al-Shabaab ah oo ka tallaabay xuduudda Itoobiya






Beledweyne (Benaadirnews) – Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in boqolaal dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka gudbeen xuduudda Gobolka Hiiraan uu la wadaago dalka Itoobiya.

Cali Jeyte oo la hadlay idaacadda BBC ayaa sheegay in dagaalyahannada u gudbay Itoobiya lagu qiyaasay 200 oo dagaalyahan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintaas ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka. “Markii aan dadka weydinayay, waxay noo sheegeen in illaa 200 nin ay ku dhaw yihiin dagaalyahanada ka gudbay xuduuda,” ayuu yiri.

Jeyte ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida kala qeyb galaan la dagaalanka dagaalyahanada Al-Shabaab ee kusii qulqulaya xuduuda Itoobiya iyo Soomaaliya.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay muddooyinkii dambe wadeen dagaal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo uu ujeedkiisa ahaa in kooxdaan laga sifeeyo guud ahaan gobolka Hiiraan.

Warka kasoo baxay guddoomiye Jeyte ayaa kusoo aadaya xilli dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gaarayo illaaa 400 askari oo watay gawaarida dagaalka ay ka gudbeen xuduuda Itoobiya ee dhanka Bakool, halkaasi oo dagala culus ay kula galeen ciidamada Liyuu Boolis.

Warfare ay soo saartay xukuumadda deegaanka ayaa shalay lagu sheegay in la soo afjaray dagaalkii ka socday Hargeelle isla markana khasarae xooggan la gaarsiyay Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kadib howlgalo saddex maalmood ka socday gudaha gobolkaasi.

Dagalamayaasha Islaamiyiinta ah ayaa in ka badan boqol kiilo mitir gudaha Dowlad Deegaanka u soo galay iyagoo ka soo ka  tallaabay xadka ay Soomaaliya la wadaagaan.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Al-shabaab ay Arbacadii sheegatay in ugu yaraan 87 ka tirsan ciidamada gaarka ah ee gobolka ee bathroom yaqaan Liyu Boolis ka dib weerar naadir ah oo ka dhacay xadka dheer ee Itoobiya.










RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments