Wednesday, August 10, 2022
HomeNewsAl-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ay daganaayeen ciidamada Kenya

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ay daganaayeen ciidamada Kenya


Badhaadhe (Benaadirnews) – Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday degaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Dagaalka ayaa ka dhacay saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow oo hoostaga degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka Kulbiyow ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa la sheegay inay gudaha u galeen qeybo kamid ah saldhigga, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaaro xoog leh oo soo gaaray ciidamadii Kenya ee halkaas ku sugnaa.

Sida ay dadka deegaanka u sheegeen Caasimadda On-line, xaaladda ayaa hadda ah mid dagan waxaana saldhigga la weeraray ku sugan ciidamadii Kenya ee horey u joogay halkaas.

Saraakiisha ciidamada Kenya ayaan weli ka hadlin weerarka lagu qaaday Saldhigooda, hayeeshee dhowr jeer ayaa sidaan oo kale ay Al-Shabaab weerareen Saldhigyada Ciidamada Kenya ku leeyihiin degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkaan kor u qaaday weerarada ay ka geysteen gudaha Soomaaliya iyo xuduuda dalka Itoobiya.



RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments