Bacaadweyne (Benaadir News) – Ciidamo deegaanka ah oo boqolaal gaaraya ayaa Jimcihii shalay lagu soo bandhigay deegaanka Bacaadweyne oo kamid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee gobolka Mudug oo laga fara maroojiyay dagaalyahanada kooxda Shabaab.
Ciidamadan oo la qalabeeyay ayaa waxaa loo diyaariyay inay soo afjaraan Al-Shabaabka ku sugan koonfurta gobolka Mudug, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa.
Sidoo kale waxaa ciidamadan kormee ugu tegay saraakiil ka kala tirsan ciidamad Xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo ku dhiirageliyay xoreynta deegaankooda.
Saraakiisha ayaa sidoo kale xusay inay ciidamadan ka qayb qaadan doonaan howlgallola filayaa in todobaadyada soo socda ay ka billowday Mudug oo looga saarayo Al-Shabaab.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanada ay iska horfadhiyaan labada dhinac.
Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah kooxa, waxaana jiidda hore ku sugan ciidamo ka qayb qaadanaya xoreynta deegaanada ka maqan gacanta Galmudug.
Howlgalladan oo si guud uga socda dalka oo dhan ayaa waxaa Al-Shabaab looga qabsaday dhul badan oo muddo dheer ay joogeen.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka soconaya isbedallo waa weyn oo ay waddo dowladda Soomaaliya, si u hanato amnigeeda, ugala wareegto ciidamada howlgalka ATMIS.