Kismaayo (Benaadir News) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka jawaabaya xaaladaha adag ee ka jira deegaanada maamulkaasi ayaa magacaabay guddi cusub oo ka kooban illaa 10 xubnood.
Guddigan oo loogu magac daray guddiga gurmadka fatahaadaha ayaa loo xil-saaray inuu wax ka qabto dhibaatooyinka ka taagan deegaanada maamulkaasi.
“Kadib fatahaadihii ka dhacay dhammaan deegaanada Jubbaland, taas oo galaafatay naf iyo maal, wuxuu madaxweynaha dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam halkan ku magacaabayaa guddiga gurmadka fatahaadaha dowladda Jubbaland” ayaa lagu yiri wareegto ay goordhow shaacisay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland.
Guddiga ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbland, Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, halka ku xigeen laga dhigay wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka maamulkaasi, Cabdiraxmaan Axmed Muxumed, waxaa sidoo kale guddiga hoghaye u noqon doono wasiirka warfaafinta Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar.
Xubnaha kale ee guddiga ayaa kala ah:-
1-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Maxamed Yuusuf Cumar
2-Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Cadar Ismaaciil Cabdullaahi
3-Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Cabdiraxmaan Caamir
4-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Ibraahim Xasan Cabdi
5-Guddoomiyaha gobollka Jubbada Hoose Xasan Cabdi Guure
6-Guddoomiyaha gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac
7-Guddoomiyaha gobolka Jubbada Dhexe Haajir Bile Sugaal.
Jubbaland ayaa waxaa haatan ka taagan xaalado nololeed oo ka dhashay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan Jubbooyinka iyo Gedo.
Horay dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa uga digay xaaladda Elnino, taas oo hadda si weyn looga dareemay gobolka Gedo iyo agagaarka magaallo xeebeedka Kismaayo.