Muqdisho (Benaadir News) – Dab xooggan ayaa goordhow ka kacay qeybo kamid ah suuqa Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Dabkaan oo aad usii faafaya ayaa waxaa haddana socda dadaal xooggan oo ku aadan sidii loo damin lahaa.
Weli si dhab looma oga waxa uu ka dhashay dabkaan xooggan, waxaan laga cabsi qabaa in uu si weyn ugu sii faafo suuqa intiisa kale.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.
Wixii kasoo kordha kala soco Benaadir News