Muqdisho (Benaadir News) – Xasan Daahir Aweys, wadaadka mayalka adag ee u xiran dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay wadahadal ka dalbaday madaxda Qaranka, kadib 11 sano oo xabsi guri uu ku yahay Muqdisho.
Xasan Daahir oo iska soo duubay muuqaal 10 daqiiqo ah ayaa wadahadalkaan ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre.
Wuxuu Xasan sheegay in Xamza Barre uu yahay nin ahlu diin ah, isagoo aad u soo dhaweeyey, kuna farxay mowqifkii uu kaga hadlay xiisadda ka dhex qaraxday shacabka dulman ee reer Falastiin iyo Yahuuda.
Xasan Daahir ayaa Ra’iisul Wasaaraha u diray warqad codsi ah, isagoo sheegay inuu rajo badan ka qabo inuu ka heli doono jawaabta ugu haboon.
Sidoo kale Xasan Daahir wuxuu muuqaalkaan ku dalbanayaa in Ra’iisul Wasaaruhu uu ugu yimaado guriga uu cabsi guriga ku yahay.
“Nn anigu aan sameeyo marti qaadka waxaan filayaa inay culeys badan ka dejineyso ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Xasan Daahir.