Muqdisho (Benaadir News) – Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo shir jaraa,id qabtay ayaa warbixin ka soo saaray xaaladda uu dalka ka geystay roobka deyrta ee da’aya.
Senatorka ayaa si gaar ah uga warbixiyey xaaladda ka taagan deegaanada uu metelo ee Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo oo khasaare lixaad leh uu sanadkaan roobku ka geystay.
Wuxuu sheegay in xaaladda Elnino oo horay looga digay ay ku dhufatay dadkiisa reer Gedo, wuxuuna farriin u diray dowladda federaalka, Jubbaland iyo deeq bixiyaasha caalamka.
Wabiyada Jubba iyo Daawo, ayuu sheegay inay fatahaad aan horay loo arag ka geysteen degmooyinka ay maraan ee gobolka Gedo.
“Waxaa ugu daran xaaladda heysata dadka ku nool degmada Doolow oo labada webi ay maraan kuna fataheen, guud ahaan Doolow waxaa qaaday biyaha daadka ah oo magaaladu waa buuxsantay, dadkii ku noolaana waa ku ceytoobeen, galigood ayey biyaha dhex taagtaagan yihiin,” ayuu yiri Senator Fartaag.
Hoos ka daawo