Muqdisho (Benaadir News) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday Jeneraal Sheegow Axmed Cali iyo ciidamadiisa, kadib markii 19-kii August ee sanadkan lagu soo qabtay dagaal ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley, kaas oo gaystay dhimasho iyo dhaawac..
Xukunada ay ridday Maxkamadda Ciidamada ayaa Isugu Jiro dil, mag iyo sanado xabsi ciidan ah.
Sheegow Axmed Cali waxaa lagu Xukumay Bixinta Diyada Sakariye Maxamed Cali oo ku baxay Fal-celintiisa iyo magdhow siinta sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo uu dhaawacay.
Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed ) taliyaha maleeshiyada Horjooge Sheegow ayaa isna lagu Xukumay Dil-toogasha ah, waxa uuna ku dilay jowhar Maxkamad ku taal laba eedeysane February 13-keedii sanadkan.
18 kale oo isla kuwii dagaalamay ayay Maxkamadda ku Xukuntay min 6-Sano oo Xabsi Ciidan ah.
Laba dhac gaystay ee fowdada ka bilaabatay ayaa iyana lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Bixinta Telefoon-dii ay dhaceen.
Deeqow maal geliyaha kooxdan oo aan lahayn Diiwaan Ciidan ayaa lagu xukumay 3-sano oo Xabsi Ciidan ah.
Arrinta sarkaalkan ayaa dhalisay hadal xoogan iyo caro keentay inay dibadbaxyo dhigaan beesha uu kasoo jeedo, inkastoo markii dambe ay xaaladdu degtay.
Sheegow ayaa tan iyo 2014-kii markaas oo uu kasoo baxay Al-Shabaab kasoo mid ahaa ciidamada dowladda, wuxuuna ka qayb qaatay dagaallo horay uga dhacay Shabeelaha Hoose.