Jowhar (Benaadir News) – Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo xalay soo saaray wareegto ayaa soo magacaabay saddex wasiir oo cusub, kuwaas oo kamid ah noqonaya golaha wasiirada ee maamulkaasi.
Xubnaha la magacaabay ayaa isugu jiro wasiir, wasiir dowle iyo wasiir ku xigeen kuwaas oo kala ah:-
Abuukar Axmed Cali (Dhaga-gaab) ayaa waxaa loo Magacaabay Xilka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle.
Waxaa Cabdixamiid Maxamed Cali isna loo Magacaabay Xilka Wasiirka Hub-ka Dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Dowladda Hirshabeelle.
Sidoo kale Cabdifitaax Jaamac Warsame ayaa isna loo Magacaabay Xilka Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Hirshabeelle.
Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in magacaabistaan loo sameeyay si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee horyaallo golaha xukuumadda HirShabelle.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaca ak qaaday inuu qiimeeyay kartida, aqoonta iyo waaya aragnimada ay leeyihiin saddex xubnood ee la magacaabay.
“In ay lagama maarmaan tahay dardargelinya Shaqada baaxada leh ee Xukuumadda. Markuu Tixgeliyay: Aqoonta, kartida iyo Waayo-aragnimada mudanayaasha loo Magacaabay Xilalka hoos ku xusan Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle WUXUU MADAXWEYNAHU SOO SAARAY XEERKAAN” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle.
HirShabelle ayaa waxaa haatan ka jira xaaladaha is biirsaday, sida dagaalka Al-Shabaab iyo fatahaado laga cabsi qabo inuu mar kale sameeyo wabiga Shabelle ee mara maamulkaasi.