Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay in ka badan 130 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacayay gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee waqooyi galbeed Pakistan.
Qaraxan ayaa ka dhacay goob ay ku shirsanaayeen xisbiga muxaafidka ah ee Jamiat Culema Islam-Fazl (JUI-F) oo caan ku ahaa xiriirka ay la leeyihiin Islaamiyiinta mayalka adag ee siyaasadda, kaasoo ku yaal deegaanka Bajaur oo xuduud la leh Afghanistan.
Taliyaha booliiska gobolka Akhtar Xayaat ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah.
Xaalad deg deg ah ayaa looga dhawaaqay isbitaalada magaalada Bajaur iyo deegaanada ku dhow dhow halkaasoo la geeyay inta badan dadka dhaawaca ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan booliska degmada Nazir Khan. Dhaawacyada halista ah ayaa laga soo daabulay magaalada Bajaur, waxaana la geeyey isbitaallada ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Peshawar, waxaana diyaarado helikobter ah u qaaday ciidamada.
“JUI-F waxay soo abaabushay shirweynihii shaqaalaha ee magaalada Khar ee Bajaur kaasoo ay ku naf waayeen 40 qof in ka badan 130 ay ku dhaawacmeen,” ayuu yiri Khan.
Pakistan waxaa dib u soo laba kacleeyay weerarada ay geysanayaan kooxaha Islaamiyiinta tan iyo sanadkii hore markii ay burburtay xabad joojin u dhaxeysay Talibanka Pakistan (TTP) iyo Islamabad.
Si kastaba ha ahaatee, inta badan weeraradii ugu dambeeyay ayaa ahaa kuwa lagu weeraray ciidamada ammaanka iyo xarumaha, halkii ay ka ahaan lahaayeen kulamo siyaasadeed.
Maamulka Afgaanistaan ayaa cambaareeyey qaraxaas, bayaan uu soo saaray afhayeenkooda Zabihullah Mujahid.
Xisbiga la bartilmaameedsaday ee JUI-F, ayaa xulafo weyn la ah xukuumadda isbaheysiga ah ee Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif, taasoo isu diyaarinaysa doorashooyin qaran oo la qabto bisha November.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com