Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Dhuusamarreeb ku qaabbilay wafdi ay hoggaamineysay Ms. Wafaa Saeed oo ah madaxa Unicef ee Soomaaliya, sidoo kale kulanka waxaa ku wehlinayay madaxda hay’adaha kale ee Qarammada Midoobe ee UNHCR, IOM iyo FAO.
Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda ay hay’adaha QM ka wadaan guud ahaan Soomaaliya, si gaar ahna Galmudug iyo sidii loo baahin lahaa adeegyada bulsho ee kala duwan sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, kobcinta dhaqaalaha sida beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo isbeddelka cimillada.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa kala hadlay in muhiimadda ugu weyn la siiyo xalka waara iyo kobaca dhaqaalaha isagoo uga mahadceliyay howlaha ay QM ka waddo gudaha deegaannada Galmudug iyo dhismaha xafiiskooda ee Dhuusamarreeb.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
– Advertisement –