Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda UNFPA oo maanta Safar shaqo ku gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.
Madaxweyne Laftagareen iyo madaxa hay’adda UNFPA, Niyi ojoulape ee Wafdiga uu hoggaaminayey ayaa ka wada hadlay hormarinta adeegyada caafimaadka, barashada farsamada gacanta, shaqa abuurka dhalinyarada iyo xoojinta wada shaqaynta.
Laftagareen ayaa warbixin ka siiyay madaxda hay’adda uu la kulmay arrimo badan oo khuseeya maamulkiisa oo dhinaca horumarka iyo hiigsiga, waxa uuna hay’adda UNFPA ka codsaday fulinta mashaariic kala duwan.
Kulanka maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed waxaa ka qeyb galay wasiirradda wasaaraddaha qorshaynta, dhalinyarada, caafimaadka, dekedaha, haweenka iyo biyaha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
– Advertisement –