Raโiisu Wasaarahaย Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen sidii mashaariicda horumaniyeed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya loogu salayn lahaa barnaajiyada ahmiyadda u leh xukuumadda Dan-Qaran.
Danjiraha Midawga Yurub Ms Tiina Intelmann ayaa la wadaagtay Raโiisul Wasaaraha in Midowga Yurub uu sii wadi doono barnaamijyada horumarinta ee uu ka taageero Soomaaliya, iyadoo sheegtay in xilligan Midowga Yurub kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga saaray Alshabaab.
Raโiisul Wasaaraha ayaa u jeediyay Danjiraha Midowga Yurub in mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh dowladda xilligan, gaarย xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta oo hadda ay xukuumaddu ka wado hannaankii dadka deegaanka lagu gaarsiin lahaa adeegyadda aasaasiga ah.
The post ๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฒ ๐ผ๐ผ ๐ ๐ถ๐ฑ๐ผ๐๐ด๐ฎ ๐ฌ๐๐ฟ๐๐ฏ ๐ธ๐ฎ๐น๐ฎ ๐ต๐ฎ๐ฑ๐น๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ด๐ฒ๐ฒ๐ฟ๐ถ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐พ๐ผ๐ฟ๐๐ต๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ ๐ฎ๐๐ถ๐น๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ appeared first on Radio Dalsan FM 91.5 MHz.